Rag hubeysan oo dhac geysan jiray oo gacanta lagu dhigay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan halkaas.

Howlgalka Ciidamada ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad oo xiliyada habeenkii ah dhac baahsan u geysan jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Qardho.

Raggaas ayaa xiliga lasoo qabanaayay ku lebisnaa deriiska Ciidanka Booliska, isla markaana gacanta ku watay Bastoolado iyo telefanada gacanta lagu qaato oo dad shacab ah kasoo dhaceen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ee Puntland Cumar Hireed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidanka ay kusoo qabteen laba rag oo dhac geysan jiray, isla markaana lagu xiray Saldhiga Booliska Gobolka.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu tilmaamay raggaas sharciga la horgeyn doono, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay geysteen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media