Rag burcad ah oo lagu toogtay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dilay rag hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray, xiliyada habeenkii ah.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Ciidanka amniga ay raggaas oo laba ahaa ku toogteen xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, kuwaasi oo la sheegay inay dadka ka qaadan jireen Moobeelada gacanta.

Burcada hubeysneyd ayaa xiligii la dilayay watay Mooto laba lugaaley ah, waxaana la tilmaamay in mid kamid ah ragga uu isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa rasaas farabadan ku furay, iyagoona geeriyooday.

Saraakiisha amniga degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in burcad hubeysan ay dhac u geystaan dadka shacabka ee kunool degmadaas, waxaana ragga la toogtay ay dhici jireen dadka.

Si kastaba Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa horey sidaan oo kale degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ugu dilay rag buracd hubeysan oo dadka ka dhici jiray Telefoonka gacanta iyo waxyaabaha kale ay wataan, halka burcad kalena la qabtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor