Rag burcad ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Faah faahino ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeenkii xalay aheyd rag hubeysan ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ragga hubeysan ee la toogtay ay ahaayeen kuwo burcad ah oo dadka xiliyada habeenkii ah dhac baahsan ugu geystan jiray xaafadaha degmada Dharkeenley, ayna arrintaas cabasho ka muujiyeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in inta aan la toogan raggaas oo laba ahaa ay Israsaaseyn kooban dhexmartay iyaga iyo Ciidanka amniga dowladda, taas oo laga maqlayay gudaha degmada, iyadoo ugu dambeyn Ciidanka ay dileen ragga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan raggii burcada ahaa ee xalay lagu dilay gudaha degmadaas, xili dhibaatooyin ay ku qabteen dadka deegaanka degmada.

Dharkeenley ayaa waxaa horey loogu dilay burcad hubeysan oo xiliyada habeenkii ah dhac u geysan jiray dadka deegaanka, iyagoona ka qaadan jiray telefoonada Gacanta iyo waxyaabaha kale oo ay xiligaas sitaan, waxaana maamulka degmadaas uu horey u balan qaaday in ragga burcada wax laga qaban doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media