Rag burcad ah oo Caawa Dil ka geystay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo burcad ah oo Caawa wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ahaa uu ka dhacay agagaarka masaajidka Sheekh Xasan oo ku yaalla Xaafadda Juungal ee Yaaqshiid, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Allaha u naxariistee Wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen rag ku hubeysnaa qorayga AK47,  kuwaas oo ka dhacayay mootada uu watay, balse markii uu diiday in uu dhiibo furaha mootadana ay dileen ka dibna ay wateen mootada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Wiilka, waxaana sidoo kale goobta tegay qaar kamid ah Ehelada Marxuumka.

Xaafaddo ku yaalla Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood dhac ka geysta rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dadka ka qaata waxyaabaha ay wataan, sidoo kalena cidii ka dhago adeegta dalabkooda dil u geysta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media