Rabshado laga cabsi qabo inay ka dhacaan dalka Kenya

Ammaanka dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay ayadoo ciidamada rabshadaha ka hortaga xalay la arkayay iyagoo lagu daabulayo meelaha qaar oo ay ku jiraan deegaano kamid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Waxaa jirta laga cabsi qabo inay dhacaan rabshado ka dhasha ku dhawaaqistii natiijada doorashadii Kenya ka dhacday oo uu shalay ku guulaystay xilka madaxtanimada dalkaas William Ruto.

Magaalooyinka qaar ayaa looga dabaal dagay guusha William Ruto inkastoo ay jiraan magaalooyinka qaar oo ay ku noolyihiin taageerayaasha musharaxa aanan wali natiijada aqbalin ee Raila Odinga oo xalay caro iyo xanaaq uu gabalku ugu dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor