Raashiya oo Dhoolatuskii Milliteri ee ugu weynaa ka samaynayso Xuduudka Afganistan

Diyaaradaha Dagaalka ee wax bam gareeya ee Raashiya ayaa qeyb ka ah Dhoolatuskaasi ka socda Xuduudka uu dalka Uzbekistaan la wadaago Afganistan.

Wasaaradda Difaaca Raashiya ayaa sheegtay inay afar Diyaaradaha Dagaalka ee casriga ee noocoodu yahay TU 22M3 ay qeyb ka yihiin Dhoolatuskaasi oo u muuqda fariin loo dirayo Kooxda Daalibaanta Afganistan oo ku soo dhawaanayso xuduudka dalalka Uzbekistaan iyo Tajakistan oo Isbahaysi la ah Raashiya.

Ku-dhawaad 1,500 Askar Raashiyaan iyo kuwo u dhashay Uzbekistan ayaa qeyb ka ah Dhoolatuskasi oo la soo gebagebeyn doono bishan August 10-da.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor