R/Wasaarihii Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi oo lagu aasay Khartuum

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Sadiq Al-Mahdi,Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah.

Marxuumka  ayaa shalay khamiis ku geeriyooday dalka imaaraadka , isagoo jira 84, waxa uuna u  geeriyooday xanuunka Corona  virus-ka .

Maanta oo jimca ah aaska Sadiq almahdi waxa uu  ka dhacay magaalada caasimada ah waxaana ka soo qayb galay Kumanaan qof oo ay ku jireen madaxda xisbiga mucaaradka ee “National Umma Party “ iyo Raiisul wasaarihii hore ee Sudan .

Meydka marki uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa waxaa soo dhoweeyay subaxnimadii jimcaha dad aad u tiro badan .,

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media