Qoorqoor oo wada qorshe wada-hadal dhexmara Farmaajo iyo Musharaxiinta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay mar kale kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee shirka uga socda Muqdisho.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii uu wada-hadal u dhexmari lahaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligaan uu kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo ku aadan Doorashada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Qoorqoor maalmahaan uu wado Iawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Guddiyada Doorashooyinka ee la magacaabay.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa waday maalmahan abuurida jawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda DFS & Musharixiinta xilka madaxtinimo si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Gudddiga Doorashada Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoorqoor ayaa sigaar ah xalay ula kulmay Musharaxiinta kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.

Musharaxiintaan ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka Codsaday inuu isbedel ku sameeyo Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, hayeeshee Qoorqoor ayaa Musharaxiinta u sheegay in dalabkooda uu dib ugula laadan doono Madaxda dowladda, kadibna ay kulan kale yeelan doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media