Qoorqoor oo soo xiray Munaasabadda Caleema saarka Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Dhuusamareeb  

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray munaasabadda caleema saarka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS,

qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha Labada gole ee Dowladda Galmudug, Gud. gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda hambalyo uga diray gudoonka cusub ee la doortay, sidoo kalena ku bogaadiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo juhdi badan ku bixisay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka Galmudug oo ahmiyad weyn u leh Dowladda Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor