Qoorqoor oo soo gudbiyay Liiska Musharixiinta kuraastii ka harsanayd Aqalka Sare

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray Liiska Xubnihii ka dhimanaa Aqalka Sare oo u tartami doona Laba Kursi oo ka mid ah Kuraasta aqalka sare.

Waxaana labada kursi dhawaan la guda gali doonaan doorashadooda,  waxaana ku tarmami doona mas’uuliyiinta  kala ah:

Kursiga 1aad waxaa ku tartami doona Cabdi Xasan Cawaale ( Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali

Kursiga 2aad waxaa ku tartami doona Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed

Lama sheegin Xiliga la qabanayo Doorashada Labadaan Kursi ee ka dhimanaa Xubnaha Aqalka Sare ee Sudeeda ahaa Deegaan Doorashadoodu tahay Galmudug.

Waxaa dhowaan fooda inagu soo haya Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso warqadda

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor