Qoorqoor oo shaaciyay in maalmaha soo socda ay bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug, xili Jadwalka doorashada uu dib u dhac uu ku yimid.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka lagu qaban doono shan maalin guhadooda, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan kuraasta loo shaacin doono.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Maamulkiisa diyaar u yahay qabashada doorashada, isagoona Guddiga doorashooyinka Galmudug ka dalbaday inay dardar-geliyaan howlaha doorashada Golaha oo uu xusay inay muddo dhaaf noqotay.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb…

Qoorqoor ayaa Carabka ku dhuftay inay culyska mas’uuliyada doorashada ay la qeybsanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna Madaxda maamul Goboleedyada ka rajeeyay inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa inuu noqdo maamulka ugu horreeya ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka Baarlanaanka Federaalka Soomaaliya oo cago-jiid badan ka muuqdo, iyadoo la doortay labadii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor