Qoorqoor oo Muqdisho soo gaaray iyo u jeedka safarkiisa

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in u jeedka uu Qoorqoor ee uu Muqdisho u yimid uu yahay arrimo la xariira Khilaafka soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo.

Wararka aan helnay ayaa intaa ku daraya in madaxweyne Farmaajo uu u yeeray Qoorqoor,si uu u kala dhexgalo labada mas’ul ee khilaafku u dhexeeyo.

Dhanka kalena Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Turkiga.

Lafta-gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu soodhaweyay garoonka, waxaana horay uu Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ugu maqnaa dalkaasi Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor