Qoorqoor oo Muqdisho kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalmudugAxmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulanka laabda masuul ayaa looga hadlay arrimo quseeyo siyaaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan, Xili Qaramada Midoobay ay soodhweyeen go’aamadii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa si gaar ah kaga wada hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta Galmudug gaar ahaanna, mashaariicda horumarineed ee hay’adaha qaramada midoobay ay ka wadaan Galmudug.

Goor sii horreysay Maanta Qoorqoor  ayaa Muqdisho kula kulmay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Johansen.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay howlaha horumarinta Galmudug iyo Mashaariicda kale ee Dowladda Norway ay ka wado Galmudug iyo sidii loo ballaarin lahaa.