Qoorqoor oo kulan la qaatay wafdi ka socday Guddiga Qaran ee COVID-19

Madaxweynaha Galmudug ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiga qaran ee la Tacaalidda Covid 19 oo maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehlinayey Madaxweynaha ku-xigeenka DGGM, Cali Dahir Ciid, iyo xubno ka tirsan Guddiga Ka hortaga & La tacaalida Covid 19 ee Dowlad G/ Galmudug.

Kulankaan ayaa looga arrisanayaa habka xakameynta covid19 iyo caqabadaha ku horgudban maareyntiisa.

Guddiga heer qaran ee la tacaalida iyo ka hortaga covid 19 ayaa u yimid Magaalada Dhuusamareeb si ay u dersaa una qiimeeyaan hannaanka la tacaalida covid 19 iyo Saameynta taban ee ka dhalatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media