Qoorqoor oo ka hadlay Ujeedka ugu weyn ee Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka uga furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qqoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb uu ujeediisu yahay sidii Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka uga wada-tashan lahaayeen hanaanka Doorashooyinka qaranka ee dalka ka dhacaya.

“Ujeeddada gogosha aan dhignay caasimadda Galmudug, waxaa ay tahay, in xal rasmi ah laga gaaro, xalka doorashooyinka Qaran ee innagu soo food leh” ayuu yiri Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Iskaashi dhexmara dowlad Goboleedyada dalka ay Galmudug u argto mid muhiim ah, isla markaana ay arrintaas ay laga maarmaan u tehay himilooyinka Qaranka ee dalka horyaalla, sida dhameytirka Dastuurka, la-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada, dhismaha Ciidan Qaran, dhis dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Madaxweyne Qoorqoor ku baaqay in lala yimaado isku tanaasul, si loo gaaro himilooyinka badan oo dalka horyaalla, isla markaana dhamaameyn laga wadashaqeyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka uga madaceliyay sida wanaagsan ee u aqbaleen Shirka Galmudug ay ku Casuuntay ee Maanta ka furmay Magaalada Dhuusamaareb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media