Qoorqoor oo guddi u saaray baaritaanka dil loo geystay saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga

Madaxweynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay guddiga ka kooban shan xubnood oo baaritaan ku sameyn doona dilkii duleedka degmada Balanbal loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac.

Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa wareegta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha u akhriyay saxaafadda, isagoo xaqiijiyay in ciidanka amniga qabteen qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in dilka saraakiishaas.

Ciiidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa amniga ayaa tan iyo markii uu dhacay dilka saraakiishii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka waxaa ay wadaan baadi goobta dadkii ka dambeeyay falkaas.

9 bishan ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku laayeen duleedka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media