Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo Muqdisho kasoo degay iyo kulamo billawday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qoorqoor ayaa waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan Wasiirada Xukuumadda Rooble.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isla markiiba billaabay kulamo gaar gaar ah oo uu layeelanayo siyaasiyiin, waxaana uu lakulmay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo xubno kale.

Dahnka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga Amniga Wasiir Ku Xigeenka Warfaafin Xubnaha labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor