Qoorqoor “Cidna kama aqbaleyno inay hub sharci daro ku heysato tuulo ka tirsan Galmudug”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar kale ka hadlay dagaaladii Cuslaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Guriceel, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo Magaaladaas isaga baxay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, halka kuwii ku dhaawacmay oo u rajeeyay Caafimaad, wuxuuna sheegay inay dhibaato soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay Colaadii Guriceel.

Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in Koox hubeysan oo wadata magaca Ahlusunna ay kusoo duushay amniga Galmudug, isla markaana arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, ayna dhowr jeer ka dalbadeen Guriceel oo ay qabsadeen inay si nabad ah uga baxaan, balse ay diideen.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cidna aysan ka ogolaaneynin inay si sharci darro ah hub ugu dhex heysato tuulo kamid ah Maamulkiisa, wuxuuna Ahlusunna ka dalbaday inay si nabad ah ku raadiyaan waxa ay doonayaan.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka sheegay kulan xalay Magaalada Guriceel uu kula qaatay Maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaas oo isugu jiray Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor