Qoor qoor iyo Deni oo kulan xasaasi ah ku yeelanaya Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa maanta in ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland oo halkaas ku wada sugan.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llahi Deni ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo si aad ah loogusoo dhaweeyay,sidaas oo kalana madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa gaaray dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa maanta oo Jimca ah in kulamo ay uga bilowdaan halkaas iyaga oo ka wada hadli doona amiga magaalada wadashaqeynta mamaulada magaalada iyo arrimo kale.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor in uu kulanka uu la qaadano Deni uu kusoo hadal qaadi doono khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda dhexe ka dhex jira.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media