Qofkii labaad oo Somaliland ugu dhintay COVID-19 iyo Kiisas Cusub oo laga helay 

Maamulka Somaliland ayaa Goordhow shaaciyay inay diiwaan-geliyeen dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka laga helay 3 Qof, kuwaasi oo laga qaaday dhiicaano, kadibna jirkoodka laga helay COVID-19.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Saddexda qof ee uu ku dhacay Cudurka ay ku sugan yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Caafimaadka ayuu sheegay in qof hore ugu dhacay Cudurka oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa uu geeriyooday.

Tirada Guud ee deegaanada maamulka Somaliland laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa haatan mareysa 12 Qof, iyadoo dhawaana uu hal u geeriyooday xanuunka, waxaana halkaas Cudurka ugu dhintay 2 Qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media