Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirka Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka uga furmi doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ay yeelanayan 9-ka Bishaan Luuliyo, kaasi oo looga hadli doono Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale.
Sidoo kale QM ayaa sheegtay in uu hor-dhac u yahay Shir heer Qaran ah oo dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay kaga arrinsanayaa Arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dib u eegista Dastuurka.
Shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidii loo xalin lahaa Khilaafyada jira, dib u soo celinta wadashaqeyntii dowladda iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.
Shirka ay yeelanayan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa uu yimid, kadib markii uu fashilmay kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, waxaana shirkaas qaadacay Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.