QM oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada ee Afisyooni

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee laba maalin kahor uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

Qaramada Midoobey ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn ee hordhaca u ah Shirka maalmaha soo socda furmi doona, si heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka taagan.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa yiri Qoraalka UN-ka.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor