QM oo war ka soo saartay guddigii ilaalinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay RW Rooble

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey guddigii uu maanta Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro doorashada dalka.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee kaqeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadkooda doorashooyinka soo socda.”

Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor