QM oo sheegtay in ay heshay lacagaha lagu samatabixinayo markabka ku Xumaaday Yemen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen, kaas oo ay saaran yihiin shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.

Lacagta la ururinayey ayaa la doonayaa in loo isticmaalo in shidaalka lagaga wareejiyo markabka, si aanu waxyeello u gaadhsiin badda iyo deegaankaba.

Qaramada Midoobay ayaa haatan weli ku hawlan inay ku qanciso dalalka iyo hay’adaha ku deeqay lacagta, inay si dhakhso ah u ooffiyaan ballamaha ay qaadeen oo ah, in la bixiyo illaa $75 milyan oo dollar oo ah hawlgalka wejiga hore.

Afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Russel Geekie ayaa ka dayriyey xaaladda Markabka, isaga oo sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda lacagaha lagu samatabixinayo markabkan shidaal ee ku xumaaday Badda Cas, inay keenayso in markabkani uu daadiyo saliidda saaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor