QM oo shaacisay in Al-qaacida ka hawl-galaan Gobalo ka tirsan Afganistan

Warbixin ay Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka iyo Qiimeynta Taageerada ee dalka Afganistan dhawaan u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay inay Kooxda Alqaacida hatan ku sugan yihiin ugu yaraan 15 Gobal oo ku yaalla Bariga iyo Koonfurta dalkaasi.

Warbixinta oo ka kooban 28 Bog ayaa lagu muujiyey Warbixintii u dambeysay ee Kooxaha Al-qaacida iyo Daacish ee ku sugan iyo kooxaha kale ee Maxaliga ee ay isla hawl-galaan.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay xubnaha ka tirsan Ururka Al-qaacida ee Qaarad-ku-ekaha Hindiya ee AQIS oo la hawl-gala Ururka Daalibaan ay badankooda ka soo kala jeedaan dalalka Afganistan iyo Pakistan iyo kuwo kale oo ka soo kala jeeda dalalka Hindiya, Bangaladesh iyo Mayanmaar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor