QM oo mar kale kordhisay cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha ammaanka Qarmada Midoobey ayaa mar kale sii kordhiyay Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saran, iyagoo sheegay in uu jiro hub farabadan oo gacanta u galay Al-Shabaab.

Golaha ammaanka oo shalay ka shiray xaaladaha ku aaddan Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa waxaa ay go’aan ku gaareen in muddo sanad ah lagu kordhiyo xayiraaddii hubka ee horay Soomaaliya u saarnayd.

Sidoo kale Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay cambaareeyen hubka qarsoodiga ah ee  dagaalamaayasha Al-Shabaab gacanta u galay, kaasi oo ay sheegeen in uu yahay xad gudub ka dhan ah cunaqabatayntii hore loo saaray Soomaaliya.

Kulanka oo lagu falanqeeyay qodobba dhowr ah oo Soomaaliya quseeya ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha musuq-maasuqa ee Soomaaliya ka jira, iyadoo Goluhu sheegay ion dhammaan waxyaabahaasi ay yihiin kuwo caqabad ku ah taageerada ka yimaada Beesha caalamka ee ay Soomaaliya ku taageeraan, maaddama sida ay sheegeen la musuq-maasuqo dhaqaalaha ka yimaada Qaramada midoobay.

Madaxda Soomaalida ayay ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan Beesha Caalamka si looga gudbo caqabadaha taagan,waxaana ay intaa ku dareen in Soomaaliya aan wax hub ah loo daabuli Karin.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay Cunaqabatayn dhanka hubka ah, kadib markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo mar kale lasii xoojiyay cunaqabataynta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor