QM oo malaayiin doollar ku bixineysa xal u helidda biya yarida ka jirta Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Bani’aadamnimada OCHA ayaa sheegay in 13 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ay ku bixinayaan howlo Biyo dhaamin ah oo laga samaynayo degaannada ay Biyo yaraanta ka jira ee Soomaaliya.

Qaramada midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay diiradda saarayso 34 degaan oo ka tirsan Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland oo ah meelaha ugu daran ee ay biya yaraantu ka jirto.

UN OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in 3.4 milyan oo Qof ay halis ugu jiraan Sanadkan billowga ah xaalad Biyo la’aaneed iyo abaar, iyadoo dad lagu qiyaasay 380,000 la filayo inay ka barakacaan degaannadooda ka dib duruufaha ba’an ee soo wajahay.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay wax ka qabato halista biyo yarida ah ee ka jirta Soomaaliya, si looga hortago xaalad kale oo intaa ka baahsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor