QM oo loo bandhigay Caqabado ku gedaaman Hannaanka doorashooyinka dalka

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF)& xubno kamid ah GHDHF, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabishan Soomaaliya, James Swan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga FEIT ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ku qotoma dardargelinta hawlaha doorashooyinka 2021 oo ay ka mid ahaayeen:

  • Horumarka illaa hadda lagu tillaabsaday
  • Caqabadaha ku gedaaman geeddi-socodka doorashooyinka
  • Waxyaabihii ka khaldamay hannaanka doorashooyinka iyo sida loo sixi karo; iyo
  • Baahida loo qabo in Dowlad-Goboleedyada harsan ay deg-deg u billaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka.

Dhammaan qodobadii kulanka la iskula soo qaaday ayaa si cad la isugu afgartay, waxaana hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay dalka u leedahay hirgelinta doorasho hufan oo daahfuran  oo xilli cayiman ku qabsoonta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor