QM oo ku dhawaaqi doonta Guddi baaritaan ku haya Cunaqabataynta Hubka ee Somalia

Kooxda Kormeerayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa la filayaa inay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM caawa go’aamiyaan in Guddigaas la kala diro.

Xubnaha Guddigaas waxay kaloo cunaqabataynta hubka ka qaadi doonaan dalka Eritrea oo horey loogu soo rogay.

Bishii July 10-dii ee sanadkan ayey Dowladda Ethiopia ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM inay Eriteria ka qaadaan Cunaqabataynta Hubka iyo Socdaalka.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay dhisi doonaan Guddi Khubaro (A panel of Expertd on Somalia),  kuwaasi oodabagal ku samaynaya Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia.

Xubnaha Golaha waxay weli isku raaci la’ yihiin tirada Guddiga cusub ee u xil saaran Arrimaha Somalia.

Goluhu waxay doonayaan in tirada  Guddiga noqdaan wax ka yar tiradii kooxdii cunaqabataynta hubka, kuwaasi oo ahaa 8 qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor