Qeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Afmadow ee Jubbaland

Maamulka degmada Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland ka codsaday in ay kaalin ka qataan gurmadka abaaraha baahsan ee kajira dhammaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana degmada Afmadow iyo deegaanada hoose yimaada.

Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn xoogan ku yeelatay ayaa ka jirta deegaano hoostega degmada Afmadow,  waxaana dadka ku adkaatay nolosha, maadaama la waayay biyihii laga  heli jiray ceelasha.

Mas’uuliyiinta degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in abaarta ay ku le’deen xoolihii ugu badnaa oo Lo’ ah, isla markaana waxaa dhulka daadsan haraaga Lo’da, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta u hadlay Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland iyo hay’adda gargaarka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah oo ay ugu horreeyso biyo dhaamin lasoo gaaran dadka yar ee ku haray degmadaas oo ka barakaceen inta badan dadka degaanka.

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ku adkaatay nolosha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor