Qaylo dhaan kasoo yeertay Maamulka Gobolka Gedo

Maamulka Gobolka Gedo iyo Mas’uuliyin ka tirsan Wasaaradda caafimadka heer  gobol ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Degmada Luuq waxa ay baaq ugu direen Wasaaradda caafimadka dowlada Federaalka Soomaaliya in ay soo gaarsiiso agabyo caafimaad oo loogu talagalay in lagu baaro cudurka COVID-19 Degmooyinka Gobolka Gedo ee ku yaala Xaduudaha Wadamada Itoobiya iyo Kenya sida gobolada kale ee dalka.

Gudoomiye Ku xigenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in gobolka Gedo ay ka jirto Baahi loo qabo agabka caafimaad ee Lagu Baaro cudurka Coronavirus, maadama Degmoyinka Baladxaawa, Dolow, Ceelwaaq iyo Luuq ay ku yaalaan Xaduudaha wadamada Itoobiya iyo Kenya oo labaduba dagaal xoogan kula jira sidii ay u xakameyn lahaayeen  Cudurkan COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhamaan kiisaska Cudurka COVID-19 ee laga helay dalka ay gaarayaan 7, hase ahaase qofka mid ah uu ka bogsooday lana sii daayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media