Qaxooti Soomaali ah oo Cudurka COVID-19 iyo Macluul u geeriyooday

Ugu yaraan 10 qof oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa la sheegay inay macluul iyo cuddurka COVID 19 u dhinteen labadii isbuuc ee la soo dhaafay.

Dhacdadaasi ayaa timid, iyagoo aan wax Gargaar ah ka helin Dowladda Uganda, sababo la xiriira Xayiraadda Isku-socodka guud ee dalkaasi.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaalliyada Soomaalida ku nool Uganda, Khaalis Maxamed  oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah Qaxootiga u dhinteen Macluul, halka kuwo kalena ay u geeriyoodeen Xanuunka Laayaanka ee COVID 19.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan awoodin iny gaaraan Qaxootiga Soomaalida ee baahida qaba sababo la xiriira Xayiraadda socdaalka ee COVID19, iyadoo aan la isugu gudbi Karin magaallooyinka dalkaasi.

Boqolaal Qaxooti Soomaali ah ayaa waxay ku kala firirsan  yihiin daafaha caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaalliyada Soomaalida ku nool Uganda, Khaalis Maxamed waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan Muwaadiniin Soomaali oo Ganacsi ku leh magaalladda Kampala, balse aanan awoodin inay gaaraan dadka Soomaalida ee aadka u nugul ee tabarta daran, sababo la xiriirta Xayiraadda COVID 19 ee saaaran dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu bishii hore ee June 6-dii soo Xayiraad Guud ku soo rogay dalkaasi, kadib, markii uu sare u kacay Cuddur-sidaha Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda waxay soo saartay Tiro-koobkii u dambeeyey ee Kiisaska COVID 19, iyadoo  87,277 oo qof laga helay Cuddurkaasi, halka ay 2,104 qof u geeriyoodeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor