Qatar oo war kasoo saartay Qaraxii lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Somalia

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii maanta la beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee ka dhaca gudaha dalka, kuwaasi oo dagaalamaayasha Al-Shabaab ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale.

Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta Muqdisho Qarax ismiidamin ah lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo dhaawac uu soo gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor