Qatar oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Qadar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay subax lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha oo ku taalla kasoo horjeedka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa tacsi u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la garab taagan tahay taageera kasta oo lagaga hor-tagayo ficillada gurracan ee waxa loogu yeero Argagixisada.

6 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta Laanta Canshuuraha, waxaana halkaas ku dhintay ruuxii waday gaarigii loo adeegsaday qaraxaas, Al-shabaabna ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media