Qatar oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee ku taalla Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Qatar ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho, iyagoona tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxaas, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda adag ee ay ku diidday rabshadaha iyo falalka wax loogu yeero Argagixisada ee ka dhaca dalka Soomaaliya, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin dowladda.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday, halka 9 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamarjajab, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay  Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor