Qaraxyo khasaaro gaystay oo ka kala dhacay Gobolka Mudug iyo Shabeellada Hoose

Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

Dad ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii hore weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday kolonyada ciidamada Uganda, dabadeedna la maqlay hub culus oo ay labada dhinac isku ridayaan.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu dhaliyay balse war ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in gaari kuwa qafilan ah ay gubeen, tiro askarta Uganda kamid ahna ay dileen inkastoo illo madaxbannaan oo xaqiijinaya aanay jirin.

Dhinaca kale AMISOM wax wara lagama hayo oo ku saabsan weerarka ciidamadooodu lagu qaaday, balse guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Uganda iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay dileen ugu yaraan lix ka tirsan Al-Shabaab.

Warrar kalena waxay sheegayaan in jiraan dad rayid ah oo dhintay.

Dhinaca Kale Gobolka Mudug waxa la soo weriyay in dad rayida oo la socday mooto bajaaj ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda la dhigay meel aan sidaa uga fogeeyn deegaanka Bacaadweyn.

Dad ku sugan Bacaadweyn ayaa warbaahinta u sheegay in dhawr qof oo dumara oo la socday moota bajaajta ay dhinteen, mooto wadihiina uu soo gaaray dhaawac culus. Illaa hadda ma cadda sababta loo beegsaday haweenka la socday mooto bajaajta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor