Qaraxyo ka dhacay Magaalada Kabul oo ay dad ku dhinteen.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Mid kamid ah qaraxyadaasi oo ahaa mid baabuur loo adeegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Dasht-e-Barchi, oo ah magaalo ay ku badanyihiin dadka Shiicada.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareeray.

Qaraxa labaad ayaa sidookale ka dhacay galbeedka magaalada Kaabul.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, balse dagaalyahanada kooxda isugu yeerta dowladda islaamka, ayaa qiratay inay fuliyeen dhowr weerar oo ay dhawaan ku bartilmaadeedsadeen dadka Shiicada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor