Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhaweyd  ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahiino dheeraad ah oo ku aaddan qaraxa.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyinka kala duwan ee Caasimadda ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay aga-gaarka Villa Baydhaba.

Qaraxa oo ahaa Ismiidaamin ayaa waxaa lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dad Goobjoogayaal ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa inoo sheegay in Gaari nooha ah oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay uu isku Qarxiyay Ciidanka oo Marayay aagga Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo ka baxay Villa Baydhaba.

Wali lama hayo khasaaraha rasmiga ah, balse wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaraxu uu khasaaro uu ka dhashay, iyadoo dad shacab ah iyo Ciidanka la beegsaday ay waxyeello soo gaartay, inkastoo aan la hubin tirida Rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawac.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo xiray aagga wax ka dhaceen.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.