Qarax xoogan oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyne ayaa waxaa ay sheegaya in aroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay qarax xoogan, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa waxaa lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhiga Ciidamada 21-aad ee degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay mar qura maqleen dhawaqa qarax xoogan, ayna sheeda kore ka arkayeen uuro madow iyo qiiq, isla markaana qaraxa ay daba socotay rasaas farabadan oo la maqlayay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media