Waxaa Maanta Xaafadda Suuqa Xoolaha dhanka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka Aaso,isla markaana lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM, xili ay marayeen Xaafadda Suuqa Xoolaha,waxaana ka dhashay Khasaaro.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay Askari ka tirsanaa Ciidamada AMISOM oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay,waxaana la sheegay in ugu dambeyn dhaawaca soo gaaray Askariga uu u dhintay.
Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la tilmaamay in ay rabeen inay dilaan dad Shacabka oo goobta uu qaraxa ka dhacay ka Agdhawaan,balse waxaa durbo goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii Maanta Xaafadda Suuqa Xoolaha dhanka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagula eegtay Ciidamada AMISOM,iyadoona sheegay in hal Askari ay ku dileen tiro kalana ay ku dhaawaceen qaraxaasi.