Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo barqanimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana  lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidanka Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad, xili ay ku sugnaayeen deegaanka Ceelaha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan 5 Askari oo kamid ahaa Ciidanka la socday gaariga ay miinada qabsatay ayaa halkaas ku geeriyooday, halka Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loo soo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda, si loogu dabiibo.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo gebi ahaan xiray aaga inta uu socday gurmadka, wallow markii dambe wadada ay fureen, waxaana intaas hakad ku jiray isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidanka Booliska ee Haramcad ee qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ilaalo Maanta ka haayay Injineero dhismo ka wada wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo illaalo ka haayay Injineero dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye loo qarxiyo, waxaana horey halkaas uga dhacay qaraxyo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media