Qarax lagu dilay Saraakiil Kenyaan oo dhacay iyo Al-shabaab oo sheegtay

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bare ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay Qarax Khasaaro geystay uu ka dhacay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya gaar ahaan kuwa miino-baarayaal ahaa, waxaana uu sigaar ah qaraxaas uga dhacay deegaan lagu magacaabo Dabaasiti.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya, kuwaasi oo howlgal miino baaris ah ka waday deegaanka Dabaasiti.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxaas, iyagoona sheegay inay ku dileen laba Sarkaal oo kamid ah Booliska Kenya.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xalay fiidkii hore waxaa ay weerar xoogan ku qadaeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose una dhow Xuduudka Kenya.

Intaas kadib Al-shabaab iyo Ciidanka ku sugnaa Saldhiga deegaanka Kulbiyoow ayaa waxaa dhexmaray dagaal muddo kooban socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, welina lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media