Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qarax xoogan uu ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso halkaas.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Togdheer, isla markaana waxaa ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada.
Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in qaraxaas uu ka geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saddex qof oo kamid ah dadkii gaariga ka saarnaa qeybta hore, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.
Mid kamid ah dadkii dhaawacyada soo gaareen ayaa markii la geeyay Xarun Caafimaad waxaa la tilmaamay inuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray marka hore oo ahaa mid Culus.
Sawirro laga soo qaaday gaariga ay miinada la qaraxday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan uu gaariga burburay, kaasi ahaa Bus nooca dadweynaha raacaan.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha ee gabal-dhicii galabta ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer ee Somaliland.