Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gedo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo waaberigii hore ee saakay oo Isniin ah ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, xili ay socdaal ku marayeen wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in jugta qaraxa laga maqlay inta badan gudaha degmada Baardheere, isla markaana qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka dowladda.

Inta la xaqiijiyay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Baardheere, mana jiro wax khasaaro ah oo dadka shacabka kasoo gaareen qaraxaas dhacay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa oo ay ku dhinteen laba Askari, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor