Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmo ka tirsan Koonfur Galbeed

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa uu ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxaas oo saacadihii lasoo dhaafay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa gudaha degmada Waajid, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Saddex Askari ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka mid kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana markii uu qaraxu dhacay kadib la maqaly rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka Maamulka degmada Waajir ayaa howlgal ka sameeyay intan badan xaafadaha degmadaas, iyagoona ku baadi goobayay dadkii ka dambeeyay qaraxii miinada ahaa ee lala eegtay Ciidamada.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegeen in qaraxa ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool ay ku dileen saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed, halka mid kalena ay dhaawaceen.

Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale qaraxyo miinooyin ah iyo weeraro toos ah ku qaaday degmada Waajid, waxaana xusid mudan in weerarada qaarkood ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor