Wararka aan ka heleyno Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas Qarax xoogan uu ka dhacay, kaasi oo geystay Khasaro kala duwan.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana Jugta qaraxa laga maqlay inta badan gudaha degmadaas.
Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa ka dhacay Awdheegle, waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacaayay.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Awdheegle ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan, sidoo kalena gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada soo gaartay.
Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah iyo weeraro ay halkaas ku qaadan Al-shabaab, kuwaasi oo inta badan geysta Khasaarooyin kala duwan.