Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay  Degmada Buurhakaba

Wararka aan ka helayno Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa ku warrmaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay Qarax khasaaro gaystay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Wararkiii ugu dambeeyay ee aynu Buurhakaba ka helayno waxaa ay tibaaxayaan in Qarax Miino dhulka lagu aaay loo adeegsaday uu Degmada ka dhacay,w axaana khasaaro uu kasoo gaaray mas’uuliyiin iyo Askar.

Taliyaha Hey’adsa NISA ee degmada Buuhxakaba ee Gobolka Baay Xuseen Dhuubow iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmadaas, Nuurow Ibraahim iyo askar kale ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka ammaanka, iyagoo xiray isku socodka guud,waxaana ay wadaan baaritaanno ay ku sameynayaan aagga wax ka dhaceen, balse ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ammaanka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor