Qarax Khasaaro gaystay oo goordhaweyd ka dhacay Magaalada Boosaaso

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana la helayaa warar kaal duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ka dhacay Meherad ganacsi oo ku taalla Magaalada Boosaaso, gaar ahaan aga-gaarka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa sida warar sheegayaan Saraakiil hore oo ka tirsanaa jiray dowladda iyop dad shacab ah , waxaana dad goobjoogayaal ah ay intaa ku dareen, in marka qaraxu dhacayay ay goobtu ahayd mid mashquul ah oo dad badani ku sugnaayeen.

Goobta oo ah Maqaayad ayaa waxaa inta badan isugu imaan jiray qaybaha kaal dwuan ee Bulshada, waxaana Qaraxaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin tirada saxda ah eek u dhimatay iyo inta ku dhaawacantay.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana ay sameeyeen howgallo, inkastoo aan wali la shaaacin dad loo sopo qabtay qaraxaasi.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor