Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka aan ka helayno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramay in Caawa Bom Gacmeed lagu weeraray Saldhig ay Ciidanka Dowladdu ku leeyihiin Magaaladaasi.

Bomka ayaa lagu tuuray sida ay dad Goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyen Saldhigga Ciidanku ay ku leeyihiin Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhaawacantay, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawacu uu yahay mid fudud, mana lasoo sheegin khasaare kale oo intaas dhaafsiisan.

Dableydii Bomka tuuray ayaa goobta isaga baxsaday, waxana Ciidanku ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay, inkastoo aan la shaacin dad loo soo qab qabtay Bomkaas la sheegay in lagu tuuray Saldhigga Xaafadda Horseed ee Jowhar.

Magalada Jowhar ayaa dhawaan maxaa lagu doortay gabi ahaan mas’uuliyiinta maamulka Cusub, waxaana maalmo ka hor ka dhacday doorashada Maadxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media