Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaa jugta qarax si weyn looga maqlay degmooyinka Gobolkani Banaadir, iyadoo ay jiraan warar kala duwan oo kasoo baxaya qaraxa.

Qaraxa ayaa  si gaar ah uga dhacay afafka hore ee Maqaayadda Luul Yamani oo u dhaw Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramaya in Qaraxu uu yahay mid xooggan oo si weyn looga maqlay xaafadaha iyo Degmooyinka Muqdisho.

Wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidanka Dowladda, kuwwasi oo billaabay howgallo, sidoo kale rasaas ayaa la maqlayaa.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor